Somali Quran | Akhri Qur’aanka

96|1|Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga).
96|2|Dadkana ka abuuray Calaq.
96|3|Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe.
96|4|Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.
96|5|Dadkana baray waxayna aqoonin.
96|6|Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen.
96|7|Markuu isku ogaaday Hodontinnimo.
96|8|Eebaha xaggiisaase loo noqon.
96|9|Ka warrama midka ka reebaya.
96|10|Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda.
96|11|Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga).
96|12|Ama uu fari Eeba ka yaabid.
96|13|Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe).
96|14|Miyuusan ogayn in Eebe arko.
96|15|Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda.
96|16|Food beenaleey ah ghafna badan.
96|17|Ha u yeedho gargaarihiisa.
96|18|Waxaanu u yeedhi Malaa’ig darane.
96|19|Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe).

Pages ( 96 of 114 ): « Previous1 ... 9495 96 9798 ... 114Next »