Somali Quran | Akhri Qur’aanka

56|1|Markay Qiyaamadu dhacdo.
56|2|Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
56|3|Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
56|4|Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.
56|5|Buurahana la riqdo.
56|6|Oy noqoto boodh Firdhisan.
56|7|Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).
56|8|Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
56|9|Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.
56|10|Iyo kuwii aad u hormaray.
56|11|Waa kuwa Eebe dhaweeyay.
56|12|Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.
56|13|Waana Koox ka mid ah kuwii hore.
56|14|Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
56|15|Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
56|16|Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.
56|17|Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
56|18|Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.
56|19|Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
56|20|Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.
56|21|Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.
56|22|Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.
56|23|Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.
56|24|Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).
56|25|Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
56|26|Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).
56|27|Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.
56|28|Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.
56|29|Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa.
56|30|Iyo Hoos joogta ah.
56|31|Iyo Biyo socda (goor walba).
56|32|Iyo Faakiha badan.
56|33|Oon la goynaynin lana reebaynin.
56|34|Iyo Gogol la koryeelay.
56|35|Annagaa ahaysiin (Da’yarayn Haweenka Jannada).
56|36|Kana dhigi kuwa aan la taaban.
56|37|Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.
56|38|Liwa Midigta yaa muta (arrintaas).
56|39|Waana Koox kuwii hore ka mid ah.
56|40|Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.
56|41|Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.
56|42|Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.
56|43|Iyo hoos madow oo wax guba.
56|44|Aan qaboobayn aragna fiicnayn.
56|45|Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).
56|46|Waxayna Daa’imi jireen dambi wayn.
56|47|Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.
56|48|Ama Aabayaalkannagii horeeyay.
56|49|Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.
56|50|Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).
56|51|Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.
56|52|Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun.
56|53|Aad kana buuxinaysaan Caloosha.
56|54|Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.
56|55|Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.
56|56|Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).
56|57|(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).
56|58|Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».
56|59|Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,
56|60|Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.
56|61|Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.
56|62|Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.
56|63|Ka warrama waxaad beereysaan.
56|64|Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.
56|65|Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).
56|66|(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.
56|67|Mase waa nala hoojiyay.
56|68|Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.
56|69|Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.
56|70|Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe).
56|71|Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.
56|72|Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.
56|73|Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).
56|74|Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
56|75|(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).
56|76|Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.
56|77|Quraanku waa shay sharaf leh.
56|78|Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.
56|79|Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn.
56|80|Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.
56|81|Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan.
56|82|Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa).
56|83|Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.
56|84|Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).
56|85|Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.
56|86|Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.
56|87|Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.
56|88|Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.
56|89|Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.
56|90|Hadduu yahay kuwa Midigta marina.
56|91|Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag).
56|92|Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.
56|93|Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.
56|94|Iyo galidda Naarta Jaxiimo.
56|95|Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.
56|96|Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.

Pages ( 56 of 114 ): « Previous1 ... 5455 56 5758 ... 114Next »