Somali Quran | Akhri Qur’aanka

76|1|Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
76|2|Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.
76|3|Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.
76|4|Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.
76|5|kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.
76|6|Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,
76|7|Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
76|8|Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).
76|9|Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.
76|10|Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.
76|11|Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.
76|12|Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.
76|13|Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.
76|14|Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.
76|15|Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.
76|16|Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.
76|17|Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.
76|18|Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).
76|19|Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.
76|20|Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.
76|21|Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.
76|22|Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.
76|23|Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.
76|24|Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).
76|25|Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.
76|26|Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.
76|27|Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).
76|28|Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.
76|29|Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.
76|30|Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.
76|31|Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.

Pages ( 76 of 114 ): « Previous1 ... 7475 76 7778 ... 114Next »