Somali Quran | Akhri Qur’aanka

95|1|Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka.
95|2|Iyo Dhuuri Siina.
95|3|Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka).
95|4|Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan.
95|5|Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis).
95|6|Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go’aynin.
95|7|Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib.
95|8|Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan).

Pages ( 95 of 114 ): « Previous1 ... 9394 95 9697 ... 114Next »