Somali Quran | Akhri Qur’aanka

50|1|Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).
50|2|Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh.
50|3|Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog.
50|4|Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan.
50|5|Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan.
50|6|Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn.
50|7|Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan.
50|8|Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah.
50|9|Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta,
50|10|Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
50|11|Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay.
50|12|Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud.
50|13|Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii).
50|14|Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii).
50|15|Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta).
50|16|Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta.
50|17|Markay kulmi malaa’igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida.
50|18|Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori).
50|19|Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay.
50|20|Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan).
50|21|Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi.
50|22|Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay.
50|23|Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray).
50|24|Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis.
50|25|Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah.
50|26|Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran.
50|27|Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa.
50|28|Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii.
50|29|Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada.
50|30|Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin.
50|31|Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn.
50|32|Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka).
50|33|Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan.
50|34|Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee.
50|35|Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado.
50|36|Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto.
50|37|Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo.
50|38|Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin.
50|39|Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor.
50|40|Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed.
50|41|Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw.
50|42|Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda.
50|43|Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan.
50|44|Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud.
50|45|Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi.

Pages ( 50 of 114 ): « Previous1 ... 4849 50 5152 ... 114Next »