Somali Quran | Akhri Qur’aanka

91|1|Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda.
91|2|Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco.
91|3|Iyo Maalintu markay ifiso.
91|4|Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado).
91|5|Iyo Samada iyo say u dhisantahay.
91|6|Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay.
91|7|Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay.
91|8|Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba.
91|9|Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya.
91|10|Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.
91|11|Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis.
91|12|Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo).
91|13|Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda.
91|14|Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis.
91|15|Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)

Pages ( 91 of 114 ): « Previous1 ... 8990 91 9293 ... 114Next »