Somali Quran | Akhri Qur’aanka

15|1|Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad.
15|2|Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii).
15|3|ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane,
15|4|Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno.
15|5|Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto.
15|6|Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay.
15|7|Maad malaa’ig noo keentid haddaad run Sheegi.
15|8|Umana soo Dehinno Malaa’igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas).
15|9|Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri.
15|10|waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore.
15|11|Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.
15|12|saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha.
15|13|mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey.
15|14|haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora
15|15|waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray.
15|16|waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi).
15|17|waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis.
15|18|mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee.
15|19|dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman.
15|20|waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin.
15|21|waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee.
15|22|waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda).
15|23|annagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha).
15|24|waxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray.
15|25|Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah.
15|26|annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon.
15|27|Jaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl).
15|28|Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa’igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon.
15|29|Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud.
15|30|wayna Sujuudeen malaa’igtii dhammaan oo Kulansan.
15|31|Ibliis oo diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee.
15|32|Wuxuuna yidhi (Eebe) Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda.
15|33|Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon.
15|34|Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu fogeeyaye.
15|35|Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada).
15|36|Wuxuuna yidhi Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka.
15|37|Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay.
15|38|Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh.
15|39|Wuxuuna yidhi Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana Dhumin dhammaan.
15|40|Addoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay).
15|41|Eebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin).
15|42|Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee.
15|43|Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan.
15|44|Waxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah).
15|45|kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri).
15|46|waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo.
15|47|waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan.
15|48|kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo.
15|49|U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista ahay,
15|50|iyo in Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun.
15|51|Ugana waran dadka Martidii (Malaa’ig) Nabi Ibraahim.
15|52|Markay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan.
15|53|ooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane.
15|54|Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan.
15|55|Waxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta.
15|56|Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee.
15|57|Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw.
15|58|Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood.
15|59|Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood.
15|60|Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga).
15|61|Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray.
15|62|Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin.
15|63|Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii).
15|64|Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa.
15|65|Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray.
15|66|Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii.
15|67|Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida).
15|68|Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina.
15|69|kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina.
15|70|Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna).
15|71|wuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan).
15|72|Cimrigaagee iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin.
15|73|Waxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa.
15|74|Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah.
15|75|Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira).
15|76|Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad).
15|77|Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay.
15|78|Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb).
15|79|Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno).
15|80|Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax).
15|81|Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada.
15|82|Waxaana ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina.
15|83|Waxaana qabatay Qaylo Aroortii.
15|84|Waxna uma tarin waxay Kasbanayeen.
15|85|Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way iman ee iska saamax saamixid quruxsan.
15|86|Eebahaabaa ah abuuraha cilmiga lehe.
15|87|waxaan ku siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn.
15|88|ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon una raarici (Jilei) garabkaaga (macaamiladooda) Mu’miniinta.
15|89|waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun ahay u dige cad.
15|90|sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa).
15|91|ee kayeelay Quraanka Qaybo.
15|92|Eebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood.
15|93|waxay falayeen.
15|94|ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta.
15|95|anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa.
15|96|ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
15|97|waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun).
15|98|ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda.
15|99|Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu).

Pages ( 15 of 114 ): « Previous1 ... 1314 15 1617 ... 114Next »