Somali Quran | Akhri Qur’aanka

75|1|Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame.
75|2|Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).
75|3|Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.
75|4|Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.
75|5|Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.
75|6|Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.
75|7|Markase Araggu Wareero (Taagmo).
75|8|Dayuxuna Madoobaado.
75|9|Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.
75|10|Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.
75|11|Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).
75|12|Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.
75|13|Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.
75|14|Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.
75|15|Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).
75|16|Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).
75|17|Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.
75|18|Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.
75|19|Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.
75|20|saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).
75|21|Waxaadna ka tagaysaan aakhiro.
75|22|Wajiyaal Maalintaas way ifi.
75|23|Eebeheedna way Eegi.
75|24|Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.
75|25|Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.
75|26|Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).
75|27|Oo la Dhoho uaa ku tufi.
75|28|Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.
75|29|Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).
75|30|Eebahaa Xaggiisaa la aadi.
75|31|Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin.
75|32|Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday.
75|33|Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan.
75|34|Halaag Buuse Mutaa.
75|35|Haddana Halaagbuu Mutaa.
75|36|Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la’aan).
75|37|Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo.
75|38|Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana.
75|39|Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig.
75|40|Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.

Pages ( 75 of 114 ): « Previous1 ... 7374 75 7677 ... 114Next »