Somali Quran | Akhri Qur’aanka

82|1|Markay Samadu Dildillaacdo.
82|2|Xiddiguhuna daataan.
82|3|Badahana laysku furo.
82|4|Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).
82|5|Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.
82|6|Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.
82|7|Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.
82|8|Siduu doonana kuu sameeyey.
82|9|Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.
82|10|Malaa’ig baana idin ilaalinaysa.
82|11|Oo sharaf leh waxna qori.
82|12|Ogna waxaad falaysaan.
82|13|Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.
82|14|Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.
82|15|Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta.
82|16|Kamana maqnaadaan Naarta.
82|17|Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.
82|18|Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.
82|19|Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.

Pages ( 82 of 114 ): « Previous1 ... 8081 82 8384 ... 114Next »