Somali Quran | Akhri Qur’aanka

79|1|Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa’igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).
79|2|Iyo tan si fudud uga qaadda (mu’miniinta).
79|3|Iyo Malaa’igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).
79|4|Iyo tan u orotanta wanaagga.
79|5|Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).
79|6|Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).
79|7|Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).
79|8|Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.
79|9|Araggeeduna wuu dullaysnaan.
79|10|Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).
79|11|Markaan noqonno Lafo duugoobay.
79|12|Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
79|13|Waa uun Hal Qaylo kaliya.
79|14|Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.
79|15|Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
79|16|Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.
79|17|Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.
79|18|Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
79|19|Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
79|20|Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.
79|21|Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).
79|22|Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
79|23|Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.
79|24|Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.
79|25|Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.
79|26|Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.
79|27|Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.
79|28|Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
79|29|Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).
79|30|Dhulkana markaas ka dib fidiyay.
79|31|Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.
79|32|Buurahana sugay.
79|33|Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.
79|34|Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).
79|35|Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.
79|36|Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.
79|37|Ruuxiise xadgudba.
79|38|Nolosha Adduunyana doorta.
79|39|Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.
79|40|Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).
79|41|Wuxuu u dheelman Janno.
79|42|Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.
79|43|Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
79|44|Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.
79|45|Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.
79|46|Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).

Pages ( 79 of 114 ): « Previous1 ... 7778 79 8081 ... 114Next »