Somali Quran | Akhri Qur’aanka

89|1|Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga.
89|2|Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo).
89|3|Iyo Tirada siman iyo tan is dheer.
89|4|Iyo Habeenku markuu tagayu.
89|5|Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh.
89|6|Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad.
89|7|Ee ahaa Irama xooggana lahaa.
89|8|Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka.
89|9|Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga.
89|10|lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.
89|11|kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka.
89|12|12 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka.
89|13|Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran.
89|14|Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta).
89|15|Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani).
89|16|Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay.
89|17|Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.
89|18|Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.
89|19|Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.
89|20|Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.
89|21|Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.
89|22|Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa’igtoo safan.
89|23|Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari.
89|24|Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado.
89|25|Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro.
89|26|Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro.
89|27|Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey.
89|28|U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday.
89|29|dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan).
89|30|Galna Jannadayda.

Pages ( 89 of 114 ): « Previous1 ... 8788 89 9091 ... 114Next »