Somali Quran | Akhri Qur’aanka

26|1|Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay.
26|2|Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad.
26|3|Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa.
26|4|Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo.
26|5|Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada.
26|6|Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen.
26|7|Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican.
26|8|Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa).
26|9|Eebahaana Waa Adkaade Naxariista.
26|10|(Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah.
26|11|Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan.
26|12|Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan.
26|13|Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun.
26|14|Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan.
26|15|Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina.
26|16|ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka.
26|17|Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa’iil la jirkannaga.
26|18|Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin.
26|19|Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii).
26|20|Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn.
26|21|Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul).
26|22|Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa’iil.
26|23|Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka.
26|24|Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan).
26|25|Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan.
26|26|Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore.
26|27|Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay.
26|28|Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan.
26|29|Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan.
26|30|Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna.
26|31|Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi.
26|32|Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda.
26|33|Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi.
26|34|Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer.
26|35|Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan.
26|36|Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya.
26|37|Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer.
26|38|Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan.
26|39|Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan.
26|40|Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan.
26|41|Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno.
26|42|Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow.
26|43|Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan.
26|44|Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan.
26|45|Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen.
26|46|waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed.
26|47|Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka.
26|48|Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun.
26|49|Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin.
26|50|Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa.
26|51|waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa).
26|52|Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye.
26|53|Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya.
26|54|Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa’iil» waa Koox Yar.
26|55|Wayna Na cadho Galiyeen.
26|56|Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon.
26|57|Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo.
26|58|Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican.
26|59|Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa’iil.
26|60|Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii.
26|61|Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay.
26|62|Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin.
26|63|Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale.
26|64|Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon).
26|65|Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan.
26|66|Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale.
26|67|Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn.
26|68|Eebahaana waa Adkaade Naxariista,
26|69|Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim.
26|70|Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan.
26|71|Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada.
26|72|Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan.
26|73|Mase idin Anfaci ama idin Dhibi.
26|74|Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali.
26|75|Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan.
26|76|Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey.
26|77|Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee.
26|78|Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin.
26|79|Kan I Quudin ee I Waraabin.
26|80|Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya.
26|81|Waana kan I dili Ina Noolayn.
26|82|Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta.
26|83|Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban.
26|84|Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe.
26|85|Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo.
26|86|Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.
26|87|Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka).
26|88|Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna.
26|89|Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan).
26|90|Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu’miniinta Dhabta ah).
26|91|Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay.
26|92|Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen.
26|93|Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan.
26|94|Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay.
26|95|Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan.
26|96|Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi.
26|97|Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad.
26|98|Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka.
26|99|Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro.
26|100|Mana Lihin wax Noo Shafeeca.
26|101|Iyo Saaxiib Dhaw.
26|102|Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu’miniin.
26|103|Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa).
26|104|Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
26|105|Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii.
26|106|Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn.
26|107|Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
26|108|Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
26|109|Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
26|110|Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
26|111|Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun).
26|112|Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali.
26|113|Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan.
26|114|Anuguna ma Eryayo Mu’miniinta.
26|115|Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi.
26|116|Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo.
26|117|Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen.
26|118|Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu’miniinta ah.
26|119|Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday.
26|120|Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii).
26|121|Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
26|122|Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
26|123|Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii.
26|124|Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn.
26|125|Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
26|126|Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca.
26|127|Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
26|128|Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari.
26|129|Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed.
26|130|Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran.
26|131|ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca.
26|132|Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin.
26|133|Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur.
26|134|Iyo Beero iyo Ilo.
26|135|Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn.
26|136|Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa.
26|137|Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn.
26|138|Nalamana Cadaabayo.
26|139|Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
26|140|Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
26|141|Waxay Beenisay Thamuud suulladii.
26|142|Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan.
26|143|Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
26|144|ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca.
26|145|Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
26|146|Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina.
26|147|Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda).
26|148|Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay.
26|149|Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan.
26|150|Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
26|151|Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha.
26|152|ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn.
26|153|Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray.
26|154|Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi.
26|155|Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan.
26|156|Ee ha ku Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn.
26|157|Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya.
26|158|Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa).
26|159|Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
26|160|Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii.
26|161|Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn.
26|162|Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
26|163|ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
26|164|Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
26|165|Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka.
26|166|Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba.
26|167|Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo.
26|168|Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay.
26|169|Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan.
26|170|Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan.
26|171|Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii).
26|172|Markaasaan Halaagnay Intii kale.
26|173|Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay.
26|174|Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn.
26|175|Eebhaana waa Adkaade Naxariista.
26|176|Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii.
26|177|Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn.
26|178|Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
26|179|ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
26|180|Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
26|181|Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya.
26|182|Una Miisama Cadaalad Toosan.
26|183|Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin.
26|184|Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey.
26|185|Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray.
26|186|Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah.
26|187|ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi.
26|188|Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan.
26|189|Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn.
26|190|Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn.
26|191|Eebahaana waa Adkaade Naxariista.
26|192|Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka.
26|193|Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil).
26|194|Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga.
26|195|Af Carabi ahoo Cad.
26|196|Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore.
26|197|Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa’iil/
26|198|Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis.
26|199|oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen.
26|200|Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha.
26|201|Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran.
26|202|Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn.
26|203|Oy Dhahaan ma nala Sugi.
26|204|Ma Cadaabkanagay Dadajisan.
26|205|Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin.
26|206|Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey.
26|207|Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey.
26|208|Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto.
26|209|Waano Darteed, mana nihin Daalimiin.
26|210|Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu.
26|211|Kumana Habboona mana Karaan.
26|212|Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin.
26|213|Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo.
26|214|Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw.
26|215|Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu’miniinta ah.
26|216|Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan.
26|217|Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista.
26|218|Ee ku Arka Markaad Kici.
26|219|Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan.
26|220|Eebana waa Maqle Og.
26|221|Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu.
26|222|Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan.
26|223|Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal.
26|224|Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah.
26|225|Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin.
26|226|Oyna Sheegi waxayna Falayn.
26|227|Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).

Pages ( 26 of 114 ): « Previous1 ... 2425 26 2728 ... 114Next »