Somali Quran | Akhri Qur’aanka

84|1|Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada).
84|2|Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.
84|3|Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada).
84|4|Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.
84|5|Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa).
84|6|Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi.
84|7|Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu’minkee).
84|8|Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
84|9|Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan.
84|10|Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune).
84|11|Wuxuu u yeedhan Halaag.
84|12|Wuxuuna gali Naarta Saciira.
84|13|Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii).
84|14|Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame).
84|15|Saas ma ahee Eebe waa arkaa.
84|16|Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca.
84|17|Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay.
84|18|Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo.
84|19|Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/
84|20|Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa).
84|21|Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.
84|22|Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa).
84|23|Eebana waa ogyahay waxay qarsan.
84|24|Ugu bishaaree caddibaad daran.
84|25|Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go’aynin.

Pages ( 84 of 114 ): « Previous1 ... 8283 84 8586 ... 114Next »