Somali Quran | Akhri Qur’aanka

52|1|(Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina.
52|2|Iyo Kitaabka la dhigay,
52|3|Oo ku qoran warqado la fidiyay.
52|4|Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur).
52|5|IYo saanqaafka la koryeelay (cirka).
52|6|Iyo Baddii la kululeeyay.
52|7|Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan).
52|8|wax celinna ma jiro.
52|9|Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi.
52|10|Buuruhuna socon.
52|11|Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
52|12|Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari.
52|13|Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi).
52|14|Waatan Naartii aad beenin jirteen.
52|15|Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn.
52|16|Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen.
52|17|Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo.
52|18|Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo.
52|19|(Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.
52|20|Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn).
52|21|Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani».
52|22|waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin.
52|23|Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn.
52|24|Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray.
52|25|Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin.
52|26|Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada.
52|27|Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama).
52|28|Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista.
52|29|Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee.
52|30|Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida.
52|31|Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye.
52|32|Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay.
52|33|Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin.
52|34|Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi.
52|35|Mise waxaa la abuuray abuure la’aan, mise iyagaa abuuray (naftooda).
52|36|Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin.
52|37|Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka.
52|38|Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad.
52|39|Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal.
52|40|Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay.
52|41|Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan.
52|42|Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran.
52|43|Mise Ilaah Eebe ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada».
52|44|Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis).
52|45|Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono.
52|46|Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin.
52|47|Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga.
52|48|Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici.
52|49|Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.

Pages ( 52 of 114 ): « Previous1 ... 5051 52 5354 ... 114Next »