Somali Quran | Akhri Qur’aanka

88|1|Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.
88|2|Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.
88|3|Waxayna qaban Shaqo dhib ah.
88|4|Waxayna gali Naar kulul.
88|5|Waxaana laga waraabin il kulayl daran.
88|6|Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).
88|7|Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin.
88|8|Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu’miniinta).
88|9|Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
88|10|Janno sarana way gali.
88|11|Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.
88|12|Waxaana ah dhexdeed il socota.
88|13|iyo Sariiro la koryeelay.
88|14|Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).
88|15|Iyo Barkimooyin la safay.
88|16|Iyo gogol la fidiyay.
88|17|Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.
88|18|Iyo sida Samada loo koryeelay.
88|19|Iyo sida Ruuraha loo taagay,
88|20|Iyo sida dhulka loo fidiyay.
88|21|Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).
88|22|Mana tihid mid xoog ku leh (qasab).
88|23|Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).
88|24|Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.
88|25|Xagganagayna u soo noqon (khalqigu).
88|26|Annagaana xisaabin.

Pages ( 88 of 114 ): « Previous1 ... 8687 88 8990 ... 114Next »