Somali Quran | Akhri Qur’aanka

86|1|Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura.
86|2|Ma taqaan Xiddigga guura.
86|3|Waa Xiddig ifa.
86|4|Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag).
86|5|Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray.
86|6|Waxaa laga abuuray Biyo booda.
86|7|Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood.
86|8|Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada).
86|9|Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon.
86|10|Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna.
86|11|Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh.
86|12|Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo).
86|13|Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta).
86|14|Ciyaarra ma aha (ee waa dhab).
86|15|Gaaladu waxbay dhakri.
86|16|Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin).
86|17|Ee u sug Gaalada wax yar.

Pages ( 86 of 114 ): « Previous1 ... 8485 86 8788 ... 114Next »