Somali Quran | Akhri Qur’aanka

70|1|Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).
70|2|Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.
70|3|Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.
70|4|Ee Malaa’igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.
70|5|Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.
70|6|Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.
70|7|Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.
70|8|Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.
70|9|Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.
70|10|Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.
70|11|Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.
70|12|Haweenaydiisa, Walaalkiis.
70|13|iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.
70|14|iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.
70|15|Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).
70|16|Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).
70|17|Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.
70|18|Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).
70|19|Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.
70|20|Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.
70|21|Hadduu khayr helana wuu reebaa.
70|22|Marka laga reebo Muslimiinta tukata.
70|23|Ee ah kuwa Salaaddooda daa’ima.
70|24|Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.
70|25|Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.
70|26|Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).
70|27|Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.
70|28|Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.
70|29|Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.
70|30|30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.
70|31|Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.
70|32|Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.
70|33|Kuwa maraggooda si fiican u furay.
70|34|Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).
70|35|Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.
70|36|Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).
70|37|Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.
70|38|Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.
70|39|Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.
70|40|Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.
70|41|Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.
70|42|Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.
70|43|Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).
70|44|Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).

Pages ( 70 of 114 ): « Previous1 ... 6869 70 7172 ... 114Next »