Somali Quran | Akhri Qur’aanka

93|1|Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka.
93|2|Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado).
93|3|Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin.
93|4|Aakharana kaaga khayr badan Aduunka.
93|5|Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon.
93|6|Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin.
93|7|Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin.
93|8|Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin).
93|9|Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin).
93|10|Ka wax su’aalina ha canaanan.
93|11|Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).

Pages ( 93 of 114 ): « Previous1 ... 9192 93 9495 ... 114Next »