Somali Quran | Akhri Qur’aanka

25|1|Waxaa Khayr Batay (oo wayn) Eebaha ku soo Dejiyey Quraanka Addoonkiisii (Nabiga) inuu u ahaado Caalamka u Dige.
25|2|Eebaha uu u Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, Yeelaninna Ilmo una Sugnaanin Shariig (la Wadaage) Xukunka, Abuurayna wax kasta, oo u ahaysiiyey si Qiyaasan.
25|3|Waxay ka Yeesheen Eebe ka Sokow Ilaahyo oon Abuurayn waxba Iyagana la Abuuri una hananayn Naftooda Dhib iyo Nacfi (Midna) oonan hananayn Geeri iyo Nolol iyo soo Bixin (midna).
25|4|Waxay Dheheen Gaaladii kani (quraanku) ma aha waxaan Been Abuur ahayn, uu la Yimid, Uguna Kaalmeeyeen Qoom kale, waxay la Yimaadeen Dulmi iyo Been (Daran).
25|5|Waxay Dheheen waa Warkii Dadkii Hore oos ka Qoray Iyadaana loo Yeedhiyaa Aroor iyo Galabba.
25|6|Waxaad Dhahdaa waxaa soo Dejiyey Eebaha Og waxa ku Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka Waana Dambi Dhaafe Naxariista.
25|7|Waxay dheheen Gaaladii Muxuu leeyahay Rasuulkani oos u Cuni Cunto una Socon Suuqa, maa loo Soo Dejiyo Malag oo ahaado mid la Diga.
25|8|Ama maa loo Tuuro (Dejiyo) Kansi ama u ahaato Beer uu wax ka Cuno Xageeda, waxayna Dheheen Daalimiintu ma Raacaysaan waxaan Nin Sixran ahayn.
25|9|Bal day siday kuugu Yeeleen Tusaale oy u Dhumeen una Karin (Qaadidda) Jidka (Xaqa).
25|10|Waxaa Khayr Badan Eebaha Hadduu Doono kuu Yeeli wax ka Khayrroon Taas, Jannooyinna (Kuu yeeli) oy Socolo Dhexdeeda Wabiyaal Kuuna Yeeli Daaro (Janno).
25|11|Waxayse Beeniyeen Saacadda (Qiyaame) waxaana u Darabnay Ciddii Beenisa Saacadda Naarta Saciira.
25|12|Markay ka Aragto Meel Fog waxay ka Maqlaan Cadho iyo Guux.
25|13|Marka lagu Tuuro Dhexdeeda Meel Cidhiidhi ah Iyagoo isku Xidhan waxay u Yeedhaan Halaag, iyo (Khasaare).
25|14|(Waxaana la Dhihi) Howyeedhanina Maanta Halaag Kaliya ee u Yeedha Halaag Badan.
25|15|Waxaad Dhahdaa Ma Taasaa Khayrroon mise Jannada Waaridda ee ah Middii loo Yaboohay kuwa Dhawrsada, waxayna u Ahaatay Kuwaas (Dhawrsada) Abaal Marin iyo Noqosho.
25|16|Waxayna ka Helayaan Dhexdeeda waxay Doonaan wayna ku Waari, Arrintaasuna waa Yabooh Isaaray Eebaha oo Sugan.
25|17|Xusuusta Maalintaan Kulminayno Gaalada iyo waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oos ku Dhihi Ma idinkaa Dhumiyey Addoomadaydaas, Mise Iyahgaa ka Dhumay Jidka.
25|18|Waxayna Odhun Waad Nastahantahay Naguma Habboona Inaan Yeelanno Adi ka Sokow Awliyo (Gargaare), waadse u Raaxaysay iyaga iyo Aabayaalkood Intay ka Halmaamaan Waxyiga, waxayna Noqdeen kuwa Halaagsamay.
25|19|Way Idinku Beeniyeen waxaad Sheegaysaan mana Kartaan Furasho iyo Gargaar midna, Ciddii wax Dulmida oo Idinka midah Waxaannu Dhadhansiin Cadaab Wayn.
25|20|Manaan Dirin Rasuul kaa Horeeyey oon Cunayn Cunnada Soconaynna Suuqa, waxaana uga Yeellay Qaarkiin Qaarka kale Fidmo (Ibtilo) ee ma Samraysaan, Eebahaana waa Arke.
25|21|Waxay Dheheen Kuwaan Rajaynayn la kulankanaga naloogu soo Dejinwaayey Malaa’ig, ama maan Aragno Eebahanno, way Iskibriyeen (isula waynaadeen) Naftooda wayna Madax Adaygeen Madax Adayg Wayn.
25|22|Maalintay Arki Malaa’igta (Geerida) ma Bishaaraystaan Maalintaas Dambiila Yaashu, waxayna Odhan Xijaab oodan iyo Reebnaan yaa ah (Wanaag iyo Isla kulan majiro).
25|23|Waannu u soo Hormarinay waxay Faleen oo Camal ah Waxaana ka yeelay Dhalanteed la Firdhiyey.
25|24|Ehelu Jannaha yaa Maalintaas Khayr Roon Sugnaansho iyo Wanaag badan Qayluushi (Hurdo).
25|25|Xusuuso Maalintay Samadu la Dillaaci Daruuraha, lana soo Dejin Malaa’igta soo Dejin.
25|26|Xukunka Maalintaas ee Xaqa ah waxaa iska leh Eebaha Raxmaana, Waana Maalin Gaalada ku Daran.
25|27|Xusuusana Maalintuu Qaniini Daalimku Gacantiisa (Faraha) Isagoo Dhihi Shalleytee maan Yeesho la Jirka Rasuulka Jid (maan Rumeeyo).
25|28|Halaag iyo Shalleytee Maxaan hebel Saaciib uga Yeeshay.
25|29|Wuxuu iga Leexiyey Quraanka intuu ii yimid ka Dib, Shaydaanna Dadka Wuxuu u Yahay Dayace (Mee Xun kaga tage).
25|30|Wuxuu Yidhi Rasuulkuna Eebow Qoomkaygii waxay ka Yeesheen Quraankan mid laga Tagay (Ma Maqlaan).
25|31|Saasaan ugu Yeellay Nabi kasta Col Dambiilayaal ah, Eebana ku Filan Hanuuniye iyo Gargaare.
25|32|Waxay Dheheen kuwii gaaloobay maa lagu Soo Dejiyo Nabiga Quraanka Mar kaliya (Isagoo dhan) saasaan Yeellay, inaan ku Sugno Qalbigaaga, waana kugu Akhriyeynaa Akhrin (Fiican).
25|33|Wixii Tusaale ah oy Kuula Yimaadaanna waxaannu Kuugula imaan Xaq iyo Fasiraadda u Fiican.
25|34|Kuwa lagu soo Kulmin Wajigooda (Naarta) Jahannamo kuwaasu waa kuwa u Xun meel uguna Dhumid Badan Jid.
25|35|Waxaana Siinay Nabi Muuse Kitaabkii Waxaana ka Yeellay la Jirkiisa Walaalkiis Haaruun Wasiir.
25|36|Waxaana Nidhi Aada Qoomkii beeniyey Aayaadkanaga Waana baabi’inay (Halaagnay) baabi’in, (Halaagnay).
25|37|(Xusuuso) Qoomkii Nabi Nuux, Markay Beeniyeen Rasuulladii Yaan Maan-Sheynay Ugana Yeellay Dadka Calaamad, Waxaana u Darabnay Daalimiinta Cadaab Daran.
25|38|Caadna waan Halaagnay iyo Thamuud, iyo Rasi (Ceelkii) Ehelkiisii, iyo Quruumo Intaas u Dhaxeeyey oo Badan.
25|39|Dhammaan waxaan u Yeellay Tusaale Dhammaanna waan Halaagnay Halaag.
25|40|Way Tageen Gaaladu Magaaladii lagu soo Daadiyey Roob Xun (Dhagax Cadaab) Miyeyna Arkeyn, waxayse Ahaayeen kuwaan Rajaynayn (ka yaabayn) soo kulmin.
25|41|Hadday ku Arkaan Gaaladu waxay kaa yeeshaan Jees Jees, iyagoo (Dhihi) ma kanaa kan Eebe Soo Bixiyey Isagoo Rasuul ah.
25|42|Wuxuu U dhawaaday inuu Naga dhumiyo Ilaahyadanada Haddaanaan ku Samrin, (ku adkaysan) waxay Ogaadaan Markay Arkaan Cadaabka Cidda Dhunsan.
25|43|Ka Warran Ruux ka Yeeshay Ilaahiisa Hawadiisa (Suu Jecelyahay) Ma adaa Wakiil (Ilaaliye) ka Noqon.
25|44|Mise waxaad u Malayn in Badankood wax Maqli ama wax kasi, ma aha waxaan Xoolo oo kale ahayn, Iyagaabase ka Sii Dhunsan.
25|45|Miyeydaan Ogayn sida Eebe u Fidiyo hadhka, hadduu Doonana wuxuu ka Yeeli lahaa Mid Xasillan (Taagan) markaasaan ugu Yeellay Qorraxda korkiisa Daliil (Xujo).
25|46|Markaasaan u Soo qabanaa Xagganaga Qabasho Yar.
25|47|Eebe waa kan Idinka Yeelay Habeenka Astur, Hurdadana Raaxo, kana yeelay Maalinta soo Kulan (Dhaqdhaqaaq).
25|48|Eebe (Sareeye) waa kan u Dira Dabaysha Bishaaro Darteed Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa, Waxaana ka soo Dejinay Samada Biyo wax Daahiriya.
25|49|Inaan ku Nooleyno Magaalo Dhimatay oon kuna Waraabino waxaan Abuuray, Xoolo iyo Dad Badan.
25|50|Waana ku kala Duwnay «Badinay» Dhexdooda, inay Xusuustaan, Wuuna Diiday Dadka Badidiis waxaan Gaalnimo Badan ahayn.
25|51|Haddaan Doonno waxaan ka Bixin Lahayn Magaalo Kasta Dige (Nabi).
25|52|ee ha Adeecin Gaalaga kulana Jahaad Quraanka Jahaad Weyn.
25|53|Eebe wuu isku daraa Labada Badood, Kaasi waa Macaan Daran, kaasna waa Khadhaadh Daran (Afku Diido) yeelayna Dhexdooda Soohdin iyo Xaajis Awdan.
25|54|Eebana waa kan ka Abuuray Biyaha Dad kana Yeelay Qaraabo iyo Soddognimo, Eebahaana wuu karaa (Wuxuu Doono).
25|55|Waxayna Caabudi Gaaladu Eebe ka Sokow waxaan Anfacayn Dhibayna Gaalna wuxuu ahaaday mid ka soo hor Jeeda Eebihiis.
25|56|Maa naan kuu Dirin inaad Bishaareeye Dige ah (Noqoto Mooyee).
25|57|Waxaad Dhahdaa Idinkama warsado (Xaqa Gaadhsiintiisa) UJuuro Ruuxiise dooni inuu ka Yeesho Eebehiis Xaggiisa Waddo (Khayr ha falo).
25|58|Talo Saaro Eebaha Nool een Dhimanayn una Tasbiixso adoo Mahdin, Eebaana ku Filaan Dambiga Addomadiisa Ogaanshihiisa.
25|59|Waana Eebaha ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka iyo Waxa u Dhexeeya Lix Maalmood, kuna Istawooday Carshiga (Si u Cununta), ee Warso Cid wax Og.
25|60|Marka la Dhaho u Sujuuda (Eebaha) Raxmaan ah waxay Dhahaan Muxuu Yahay Raxmaan, ma waxaan u Sujuudeynaa waxaad na Farayso, wuxuuna u Kordhiyey Carar.
25|61|Waxaa Khayr Badnaaday Eebaha Yeela Samada Burjiyo Yeelayna Dhexdeeda Siraaj (Qorrax) iyo dayax ifi.
25|62|Eebana waa Ilaah uga Yeelay Habeenka iyo Maalinta Isbaddel Ciddii Doonta inuu wax Xusuusto ama Doono inuu Mahdiyo.
25|63|Addoomada Eebaha Raxmaana waa kuwa u Socda Dhulka Xasillooni, markay la Hadlaan (Af Xumeeyaan) Jaahilliinna Yidhaahda Nabadgalyo.
25|64|ee ah Kuwa ku Barya (Habeenkii) Iyagoo u Sujuudi oo u Istaagi (Cibaado) Eebe.
25|65|ee Ah kuwa Dhihi Ilaahow naga Iil Cadaabka Jahannamo, Cadaabkeedu waa joogtee.
25|66|Iyaduna waxay u Xuntahay ku Sugnaansho iyo ku Nagaadi.
25|67|Ee ah kuwa Markay wax Bixiyaan aan Xad gudbin Cidhiidhyinna, oo intaas Dhexdeeda ku Tolosnaada.
25|68|Ee ah kuwaan Caabudayn Eebe La Jirkiisa Ilaah kale, oona Dilayn Naftuu Eebe Xarrimay Dilkeeda Xaq Mooyee oon Zinaysanayn, Ciddii Saas fashana waxay la Kulmi Dambi.
25|69|Waxaana loo Laab laabi Cadaabka Maalinta Qiyaame wuuna ku Waari Dhexdiisa Isagoo Dullaysan.
25|70|Ciddii Toobad keenta oo Rumaysa oo Fasha Camal Fiican Mooyee, oo kuwaas waxaa loogu Badali Xumaantooda Wanaag, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista.
25|71|Ruuxii Toobad keena oo Fala Wanaag wuxuu u Noqon Eebe Noqosho.
25|72|(Kuwa Fiican) waa kuwaan Furayn Been, Markay Maqlaan Hadal Xunna Mara iyagoo Wanaagsan (Ka Jeedsada).
25|73|Waana kuwa marka lagu Waaniyo Aayaadka Eebahooda aaan Dhicin Dhago iyo Indho La’aan.
25|74|waana kuwa Dhihi Eebow nagasii (naga tusi) Haweenkanaga iyo Caruurtanada wax Ishu ku Qabowsato, noogana yeel kuwa Dhawrsada Imaam.
25|75|Kuwaas waxaa lagu Abaal marin Fooqa (Janno) Samirkooddi Dartiis waxayna kula Kulmi dhexdeeda Salaan iyo soo Dhawayn.
25|76|Wayna ku waari Dhexdeeda waxaana u Wanaagsan Janada ku Sugnaan iyo Nagaadiba.
25|77|Waxaadna Dhahdaa Idiinma Aabo Yeeleen Eebahay Haddaydaan Baryeyn (Illeen) waad beeniseen (Xaqee) wuxuuna ahaan mid idin Laasima Beeninta «Ciqaabta».

Pages ( 25 of 114 ): « Previous1 ... 2324 25 2627 ... 114Next »