Somali Quran | Akhri Qur’aanka

92|1|Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.
92|2|Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).
92|3|Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.
92|4|In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.
92|5|Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada.
92|6|Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).
92|7|Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).
92|8|Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».
92|9|Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).
92|10|Waxaan u fududaynaa Jidka xun.
92|11|Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.
92|12|Annagaa wax hanuuninna.
92|13|Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.
92|14|Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.
92|15|Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.
92|16|Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.
92|17|Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.
92|18|Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.
92|19|Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.
92|20|Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.
92|21|Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.

Pages ( 92 of 114 ): « Previous1 ... 9091 92 9394 ... 114Next »