Somali Quran | Akhri Qur’aanka

67|1|Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Eebaha Xukunku awooddiisa ku jiro ee wax walbana kara.
67|2|Eebaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna Camal fiican, Eebana waa adkaade dambidhaafe ah.
67|3|Eebe waa midka abuuray Toddobo Samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Eebaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah.
67|4|Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo dhiban daallanna.
67|5|Eebe wuxuu ku quxiyey Samada dhow Nalal (Xiddigaha) wuxuuna ka dhigay Xiddigahaas kuwo lagu gano Shayaadiinta, Wuxuuna Eebe u diyaariyay kuwaas Naarta Saciiro.
67|6|Kuwa ka gaaloobay Eebahood waxaa u sugnaaday Caddibaadda Jhannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
67|7|Marka Gaalada lagu tuuro Naarta waxay ka maqli Cod xun oo daran iyadoo karaysa.
67|8|waxay u dhawdahay inay Cadha daraadeed la kala dillaacdo, marka Koox (Gaala ah) lagu ridaba waxaa warsada Malaa’igta Naarta ka shaqeysa iyagoo ku dhihi miyuusan idiin imaanin wax idiin diga.
67|9|Waxayna ugu jawaabi waa noo yimid wax noo diga waanse beeninay, annagoo leh ma soo dejinin Eebe waxba, idinkuna waxaad ku sugan tihiin baadi weyn.
67|10|Gaaladii waxay dhaheen haddaan wax maqlaynno ama aan wax kasayno Naarta Saciiro ehelkeeda ma aanaan noqoneen.
67|11|Waxay kirteen (Gaaladu) dambigoodii waxaana u sugnaatay fogaansho Naarta Saciiro ehelkeeda.
67|12|Kuwa Eebe ka yaaba iyagoon la arkaynin (Eebe mooyee) waxaa u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajri weyn.
67|13|Ama hadalka hoos dhiga dadow ama kor u qaada Eebe waa ogyahay waxa laabta ku jira.
67|14|Ma waxaan wax ogeyn Eebaha wax walba abuuray ee wax walba daalacan.
67|15|Eebe waa kan Dhulka ka dhigay mid laylan ee ku socda Waddooyinkiisa kana Cuna Quudkiisa Eebaana Dadku loo soo kulmin (Qiyaamada).
67|16|Miyaad ka aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhulka idin la gooyo, ayna idinla dhaqdhaqaaqdo.
67|17|Miyaadse ka aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhagaxyo Naar ah idinku soo daadiyo, waad ogaan doontaan digiinta Eebe Cidhibteeda.
67|18|Waxaa Eebe beeniyey Gaaladii (reer Makaad) ka horreeyey, sidayse ahayd Ciqaabti Eebe.
67|19|Miyeyna dadku arkaynin Shimbirka korkooda ah marna baalka fidin marna laabi wax haya oon Eebaha Raxmaan ahayna uusan jirin, Eebana wax walba wuu arkaa.
67|20|Waa kuma Gargaaraha Eebaha Raxmaan ah ka soo hadhay ee u gaargaari Gaalada, Gaaladu waxay ku sugan yihiin kadsoomid.
67|21|Waa kuma kan wax quudiya haddii Eebe haysto Risqigiisa, Gaaladu waxay ku Madax adaygeen isla weyni iyo Xaq diidnimo.
67|22|Midkee wanaagsan Ruux Wajiga k socda iyo mid si toosan oo siman Wadda Toosan ugu socda.
67|23|Dheh Nabiyow Eebe waa midka Dadkow idin ahaysiiyey, Maqal iyo Arag iyo Caqlina idiin yeelay, wax yar baadse Eebe ku shukridaan.
67|24|Dheh Eebe waa midka dadkow Dhulka idinku beeray isagaana (Qiyaamada) loo soo kulmin doona Dadka.
67|25|Waxay dhihi Gaaladu waa goorma Waqtiguu dhici waxa naloogu gooddin haddaad run sheegaysaan.
67|26|Dheh Eebaa og goortaas, waxaanse ahay Anigu u dige Cad (muuqda).
67|27|Markaysa Gaaladu Naarta oo u dhow arkaan waxaa xumaan oo doorsoomi Wajiga Gaalada, waxaana lagu dhihi waaka Cadibaaddii aad ddonayseen (dedejisanayseen).
67|28|Dheh balse ka warrama haddii Eebe aniga (Nabiga) iyo inta ila jirta uu halligo ama u naxariisto yaa Gaalo ka korin Caddibaad daran.
67|29|Dheh Eebe waa Raxmaan waana rumaynay, waana Tala saaranay, waadse ogaan doontaan (Gaalooy) Cidda Baadi Cad ku sugan.
67|30|Dheh balse Warrama hadday Biyuhu Dhulka ku gudhaan yaa idin siin Biya durduri (ma jiro Eebe waxaan ahayn).

Pages ( 67 of 114 ): « Previous1 ... 6566 67 6869 ... 114Next »