Somali Quran | Akhri Qur’aanka

80|1|Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
80|2|Inuu u yimid kii Indhaha la’aa.
80|3|Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo.
80|4|Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
80|5|Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).
80|6|Ma; Adaa u bambixi.
80|7|Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
80|8|Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
80|9|Oo Eeba ka yaabi.
80|10|Miyaad ka shuqloomi.
80|11|Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano.
80|12|Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.
80|13|Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh.
80|14|Oo la kor yeelay lana Daahiriyay.
80|15|Oy Gacanta ku hayaan Malaa’ig (wax qorta).
80|16|Sharafna leh oo baarri ah.
80|17|Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa.
80|18|Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas.
80|19|Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay.
80|20|Jidkana wuu u fudaydiyay.
80|21|Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa.
80|22|Markuu doonana wuu soo bixin.
80|23|Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin.
80|24|Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa.
80|25|Inaan Roob ku soo shubno.
80|26|Dhulkana markaas aan jeexno.
80|27|Kana soo bixinno Midho.
80|28|Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)
80|29|Iyo Zeytuun iyo Timir.
80|30|Iyo Beerow waawayn.
80|31|Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq.
80|32|Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
80|33|Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka).
80|34|Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis.
80|35|Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis.
80|36|Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii.
80|37|Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.
80|38|Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi).
80|39|Wayna Qosli oy bishaaraysan.
80|40|Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli.
80|41|Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin).
80|42|Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).

Pages ( 80 of 114 ): « Previous1 ... 7879 80 8182 ... 114Next »