Somali Quran | Akhri Qur’aanka

90|1|Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan».
90|2|Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda.
90|3|Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka».
90|4|Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi).
90|5|Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).
90|6|Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).
90|7|Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.
90|8|Miyaannaan u yeelin Laba indhood.
90|9|Iyo Carrab iyo Laba bishimood.
90|10|Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka).
90|11|Ee Dadku muu jiidho Jiirta.
90|12|Ma taqaannaa Jiirta.
90|13|Waa qoor la xoreeyo.
90|14|Iyo cunno la siiyo maalin gaajo.
90|15|Agoon kuu dhaw.
90|16|Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed).
90|17|Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista.
90|18|Kuwaasina waa kuwa Midigta mari.
90|19|Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.
90|20|Waxaana lagu dabooli Naar.

Pages ( 90 of 114 ): « Previous1 ... 8889 90 9192 ... 114Next »