Somali Quran | Akhri Qur’aanka

55|1|(Eebaha) Raxmaan ah.
55|2|Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka.
55|3|Dadkana wuu abuuray.
55|4|Wuxuuna baray dadka (Hadalka).
55|5|Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab.
55|6|Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis).
55|7|Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay.
55|8|Si aydaan uga gudbin Caddaaladda.
55|9|Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna.
55|10|Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga.
55|11|Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh.
55|12|Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray.
55|13|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow).
55|14|Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah.
55|15|Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta.
55|16|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|17|Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac.
55|18|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|19|Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi.
55|20|Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan.
55|21|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|22|Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu’Lu’iyo Murjaan (Jawhar).
55|23|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|24|Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah.
55|25|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|26|Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi.
55|27|Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh.
55|28|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|29|Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin.
55|30|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|31|Waana idin xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow.
55|32|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|33|Jinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la’aan.
55|34|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|35|Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan.
55|36|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|37|Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin).
55|38|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|39|Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro.
55|40|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|41|Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri).
55|42|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan,
55|43|Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi).
55|44|Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda.
55|45|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|46|Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno.
55|47|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|48|Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo).
55|49|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|50|Waxaa laga helaa ilo socda.
55|51|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|52|Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah).
55|53|Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|54|Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin.
55|55|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|56|Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna.
55|57|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|58|Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh).
55|59|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|60|Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha.
55|61|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|62|Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale.
55|63|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|64|Waana Laba Jannoo madow (cagaaran).
55|65|Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan.
55|66|Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan.
55|67|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|68|Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan.
55|69|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|70|Dhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan.
55|71|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|72|Waa Haween Indhacad oo Gurigooda jooga.
55|73|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|74|Waa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna.
55|75|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|76|Waxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan,
55|77|Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
55|78|Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh.

Pages ( 55 of 114 ): « Previous1 ... 5354 55 5657 ... 114Next »