Somali Quran | Akhri Qur’aanka

68|1|Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa’igtu qorayso (Camalka dadka).
68|2|Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid.
68|3|Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go’ayn.
68|4|Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn.
68|5|Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan.
68|6|kinna waalan (ama la caddibo).
68|7|Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan.
68|8|Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda).
68|9|Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan.
68|10|Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan.
68|11|oo Xanlow ah, isku diraa ah.
68|12|Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah.
68|13|Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah).
68|14|inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay).
68|15|Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii.
68|16|wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka.
68|17|Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan.
68|18|Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo.
68|19|Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda.
68|20|Waxayna noqotay wax la shafay oo kale.
68|21|wayna isu dhawaaqeen Subaxdii.
68|22|iyagoo leh kallaha oo beerta goosta.
68|23|wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi.
68|24|inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin.
68|25|Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo).
68|26|Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay.
68|27|haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey.
68|28|Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya.
68|29|Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay.
68|30|Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali.
68|31|Waxayna dheheen Magacaana ba’ye waan xad gudubnay.
68|32|Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh.
68|33|Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin.
68|34|Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada».
68|35|Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.
68|36|Seed u dhihi kartaan saas.
68|37|Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan.
68|38|oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan.
68|39|Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan.
68|40|Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas.
68|41|mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi.
68|42|Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud.
68|43|Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba.
68|44|Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn.
68|45|Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay.
68|46|Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey.
68|47|Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori.
68|48|Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan.
68|49|Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay.
68|50|Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan.
68|51|Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur’aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu).
68|52|Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka.

Pages ( 68 of 114 ): « Previous1 ... 6667 68 6970 ... 114Next »