Somali Quran | Akhri Qur’aanka

69|1|Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).
69|2|Xaaqo maxay tahay.
69|3|inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.
69|4|Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.
69|5|Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.
69|6|Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.
69|7|oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).
69|8|wax ka hadhay miyaad aragtaa.
69|9|Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).
69|10|Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.
69|11|Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.
69|12|si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.
69|13|Marka Suurka la afuufo hal mar.
69|14|Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
69|15|Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.
69|16|Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
69|17|Malaa’igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.
69|18|Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.
69|19|Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.
69|20|Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.
69|21|wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.
69|22|Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa.
69|23|Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).
69|24|Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).
69|25|Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba’ee maan la i siinin Kitaabkayga.
69|26|Xisaabtaydana maanan ogaanin.
69|27|Magaacayba’ee maxaan u soo noolaaday.
69|28|Xoolahaygi wax iima tarin.
69|29|Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).
69|30|Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.
69|31|Naarta Jahannamada geliya.
69|32|Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.
69|33|maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.
69|34|aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.
69|35|Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.
69|36|Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».
69|37|Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).
69|38|Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).
69|39|iyo waxaydaan arkayninba.
69|40|ee Qur’aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.
69|41|Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).
69|42|Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.
69|43|(Qur’aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.
69|44|Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).
69|45|Waxaanu ku qaban gacan adag.
69|46|Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.
69|47|Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.
69|48|Qur’aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.
69|49|Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur’aanka).
69|50|Qur’aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).
69|51|Qur’aanka waa run dhab ah.
69|52|Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.

Pages ( 69 of 114 ): « Previous1 ... 6768 69 7071 ... 114Next »