Somali Quran | Akhri Qur’aanka

78|1|Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).
78|2|Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).
78|3|Ay isku diiddanaayeen.
78|4|Saas ma aha ee way ogaan donaan.
78|5|Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).
78|6|Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.
78|7|Buurahana Rukummo (ka yeelin).
78|8|Miyannaan idinka Abuurina Noocyo.
78|9|Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.
78|10|Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.
78|11|Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.
78|12|Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.
78|13|Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).
78|14|Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.
78|15|Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.
78|16|Iyo Beero kulansan (badan).
78|17|Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go’an.
78|18|Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.
78|19|Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.
78|20|Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.
78|21|Naarta Jahannamana waxay u darbantahay.
78|22|(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.
78|23|Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.
78|24|Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.
78|25|Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).
78|26|Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.
78|27|Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.
78|28|Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga.
78|29|Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.
78|30|Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.
78|31|Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.
78|32|Beero iyo Cinabyana way heli.
78|33|Waxayna Guursan Haween da’yar oo isle eg.
78|34|Waxayna heli Cabbid wanaagsan.
78|35|Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la’aan ah iyo is beenin midna.
78|36|Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.
78|37|Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).
78|38|Maalinta Jibriil iyo Malaa’igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.
78|39|Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.
78|40|Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.

Pages ( 78 of 114 ): « Previous1 ... 7677 78 7980 ... 114Next »