Somali Quran | Akhri Qur’aanka

85|1|Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
85|2|Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
85|3|Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
85|4|Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu’miniinta lagu cadibo).
85|5|Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.
85|6|Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.
85|7|iyagoo daawan waxa lagu fali Mu’miniinta «oo Jirrabaad ah».
85|8|Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
85|9|Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
85|10|Kuwa Mu’miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.
85|11|Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
85|12|Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.
85|13|Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
85|14|Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).
85|15|Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.
85|16|Wuuna falaa wuxuu doono.
85|17|Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).
85|18|Fircoon iyo Thamuud.
85|19|Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).
85|20|Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).
85|21|Waase Quraan sharaf leh.
85|22|Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).

Pages ( 85 of 114 ): « Previous1 ... 8384 85 8687 ... 114Next »