Somali Quran | Akhri Qur’aanka

71|1|Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.
71|2|Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»
71|3|ee Eebe Caabuda kana dhawrsada’anigana i adeeca.
71|4|Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.
71|5|Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.
71|6|Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.
71|7|Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.
71|8|si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa»
71|9|Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.
71|10|Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance.
71|11|Cirkana Roob badan ha idinka keenee.
71|12|Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal.
71|13|Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen.
71|14|Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan.
71|15|Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran.
71|16|Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.
71|17|Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka.
71|18|Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona.
71|19|Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol.
71|20|Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn.
71|21|(Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin.
71|22|Dhagar waynna way Dhakreen.
71|23|Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri.
71|24|Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn.
71|25|Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare,
71|26|Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna.
71|27|Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.
71|28|Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu’min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn.

Pages ( 71 of 114 ): « Previous1 ... 6970 71 7273 ... 114Next »