Somali Quran | Akhri Qur’aanka

81|1|Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada).
81|2|Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow).
81|3|Buurahana la kexeeyo (La rujiyo).
81|4|Geelii rimmanaana la halleeyo.
81|5|Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed).
81|6|Badahana la kululeeyo.
81|7|Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo.
81|8|Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.
81|9|Maxaa dambi ah oo loo dilay.
81|10|Kutubta (camalkana) la fidiyo.
81|11|Samadana la rujiyo.
81|12|Naarta Jaxiimana la huriyo.
81|13|Jannadana la dhaweeyo.
81|14|Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.
81|15|Waxaan ku dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii).
81|16|Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma.
81|17|Iyo Habecnku markuu jeedsado.
81|18|Iyo subaxu markuu soo qaabilo.
81|19|Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah.
81|20|Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh.
81|21|Laguna addeeco halkaas aaminna ah.
81|22|Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan.
81|23|Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka).
81|24|Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan.
81|25|Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.
81|26|Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan.
81|27|Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano).
81|28|Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay).
81|29|Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.

Pages ( 81 of 114 ): « Previous1 ... 7980 81 8283 ... 114Next »