Somali Quran | Akhri Qur’aanka

44|1|Waannu sheegnay iyadoo kale.
44|2|Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka).
44|3|Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi.
44|4|Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh.
44|5|Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo).
44|6|Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og.
44|7|Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan.
44|8|Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey.
44|9|Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari.
44|10|Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan).
44|11|Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran.
44|12|Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu’miniine.
44|13|Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda».
44|14|Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan.
44|15|Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta.
44|16|Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan.
44|17|Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh.
44|18|Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.
44|19|Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade.
44|20|Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan.
44|21|Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya).
44|22|wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah.
44|23|guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye.
44|24|kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne.
44|25|imisey ka tageen Beero iyo Ilo.
44|26|iyo Tallaal iyo meel sharaf leh.
44|27|iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
44|28|xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale.
44|29|uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin.
44|30|waana ka korinay ree Bani Israa’iil cadaab wax duleeya.
44|31|(Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah.
44|32|waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og.
44|33|waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay.
44|34|kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi.
44|35|arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin.
44|36|noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan.
44|37|miyagaa khayr roon mise qoomkii Tubax iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal.
44|38|Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar.
44|39|mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga.
44|40|maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan.
44|41|waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn.
44|42|cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waz adkaade naxariistee.
44|43|Geedka Zaquumka ah.
44|44|waa cunnada dambi badanaha.
44|45|waana Laami oo kale kuna kari Caloosha.
44|46|sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale.
44|47|(waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda.
44|48|markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul.
44|49|(waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe.
44|50|kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka).
44|51|kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah.
44|52|Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan).
44|53|waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili.
44|54|saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn.
44|55|waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah.
44|56|mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo.
44|57|waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn.
44|58|waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan.
44|59|ee sug iyaguna way sugiye.

Pages ( 44 of 114 ): « Previous1 ... 4243 44 4546 ... 114Next »