Somali Quran | Akhri Qur’aanka

54|1|Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay.
54|2|Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran.
54|3|Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
54|4|Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano.
54|5|Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi.
54|6|Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran.
54|7|Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay.
54|8|Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran.
54|9|Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay».
54|10|Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro.
54|11|Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay.
54|12|Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis.
54|13|Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh.
54|14|Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday.
54|15|Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan).
54|16|Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu.
54|17|Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.
54|18|Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii.
54|19|Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah.
54|20|Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay.
54|21|Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.
54|22|Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.
54|23|Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud.
54|24|Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato.
54|25|Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah.
54|26|Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah.
54|27|Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir.
54|28|Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay.
54|29|Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay.
54|30|Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.
54|31|Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay.
54|32|Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.
54|33|Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii.
54|34|Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah.
54|35|Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe).
54|36|Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas.
54|37|Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.
54|38|Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan.
54|39|Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.
54|40|Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.
54|41|Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid.
54|42|Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh.
54|43|Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la’aanbaa idiin ku sugan Kutubta.
54|44|Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay.
54|45|Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin.
54|46|Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh.
54|47|Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin.
54|48|(Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara.
54|49|Wax kasta waxaan ku abuurray qadar.
54|50|Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi.
54|51|Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa.
54|52|Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta.
54|53|Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay.
54|54|Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal.
54|55|Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay).

Pages ( 54 of 114 ): « Previous1 ... 5253 54 5556 ... 114Next »