Somali Quran | Akhri Qur’aanka

94|1|Miyannaan kuu waasicinin Laabta (ku nuurinin).
94|2|Oonaan ka dajinin culayskii.
94|3|dhabarka kaa cusleeyay.
94|4|Miyaannaan kor yeelin magacaaga (xusiddaada).
94|5|Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd (faraj).
94|6|Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd.
94|7|Ee markaad Salaadda dhammayso isku dhib (Samo fal).
94|8|Eebana (Khayr) ka rajee.

Pages ( 94 of 114 ): « Previous1 ... 9293 94 9596 ... 114Next »