Somali Quran | Akhri Qur’aanka

101|1|Qaaricada (qalbiga garaacda).
101|2|Qaarica maxay tahay.
101|3|Mase taqaannaa Qaarico.
101|4|Waa Maalinta Dadku noqon sida Baalallay.
101|5|Buuruhuna ay noqon sida Suuf kala firdhay.
101|6|Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado.
101|7|Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah.
101|8|Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican).
101|9|Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya.
101|10|Ma taqaannaa Haawiya.
101|11|Waa Naar kulayl daran.

Pages ( 101 of 114 ): « Previous1 ... 99100 101 102103 ... 114Next »