Somali Quran | Akhri Qur’aanka

77|1|Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro.
77|2|iyo Dabaysha sida daran u dhabata.
77|3|Iyo Dabaysha roobka kicisa.
77|4|Iyo malaa’igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa.
77|5|iyo malaa’igta waxyiga soo Dajisa.
77|6|Si Dadka loo waaniyo looguna digo.
77|7|Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici.
77|8|Markase xiddiguhu Nuurku ka tago.
77|9|Oo samadu Dildillaacdo.
77|10|Oo Buuraha la Rujiyo.
77|11|Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii).
77|12|Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed.
77|13|In dadka la kala Bixiyo Dartiis.
77|14|Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa.
77|15|Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
77|16|Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore.
77|17|Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.
77|18|Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha.
77|19|Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
77|20|Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.
77|21|Markaasna yeellay meel ilaashan.
77|22|Tan iyo Muddo la yaqaanno.
77|23|Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican.
77|24|Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
77|25|Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade.
77|26|Nolol iyo Geeriba.
77|27|Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan.
77|28|Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
77|29|Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen.
77|30|Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah.
77|31|Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn.
77|32|Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar.
77|33|Ama aad Mooddo geel madaw ah.
77|34|Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
77|35|Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku.
77|36|Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan.
77|37|Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
77|38|Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba.
77|39|Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra.
77|40|Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
77|41|Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo;
77|42|(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan.
77|43|Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis.
77|44|Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala.
77|45|Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya.
77|46|(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale;
77|47|Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
77|48|Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan.
77|49|Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
77|50|Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.

Pages ( 77 of 114 ): « Previous1 ... 7576 77 7879 ... 114Next »