Somali Quran | Akhri Qur’aanka

87|1|Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya.
87|2|Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna.
87|3|Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey.
87|4|Eebaha soo bixiya Daaqa.
87|5|Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow.
87|6|Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid.
87|7|Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
87|8|Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican.
87|9|Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu.
87|10|Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee.
87|11|Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.
87|12|Ee ah mid gali Naar wayn.
87|13|Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn.
87|14|Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda.
87|15|magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada.
87|16|Saas ma’aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw.
87|17|Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi).
87|18|Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore.
87|19|Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.

Pages ( 87 of 114 ): « Previous1 ... 8586 87 8889 ... 114Next »