Somali Quran | Akhri Qur’aanka

83|1|Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
83|2|Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta).
83|3|Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.
83|4|Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin.
83|5|Maalin wayn darteed (Qiyaamada).
83|6|Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka.
83|7|Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin.
83|8|Ma taqaannaa Sijiin.
83|9|Waa Kitaab calaamaysan.
83|10|Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa).
83|11|Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta.
83|12|Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.
83|13|Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore.
83|14|Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah.
83|15|Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi.
83|16|Markaasna ay gali Jaxiimo.
83|17|Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka.
83|18|Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin.
83|19|Cilliyiin ma taqaannaa.
83|20|Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro.
83|21|Waxaana Gacanta ku haya Malaa’ig Eebe u dhaw.
83|22|Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno).
83|23|(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan.
83|24|Wajigooda waanad ka garan Nicmada.
83|25|Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).
83|26|Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu.
83|27|Waxaana lagu dheehi Cabbitaan.
83|28|Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw.
83|29|Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay.
83|30|Haday maraanna way xaqirijireen.
83|31|Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan).
83|32|Markay arkaan Mu’miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin.
83|33|Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu’miniinta.
83|34|Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada.
83|35|Sariiro korkood yayna wax daawan.
83|36|Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay).

Pages ( 83 of 114 ): « Previous1 ... 8182 83 8485 ... 114Next »