Somali Quran | Akhri Qur’aanka

51|1|Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa).
51|2|Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka).
51|3|iyo doonnida sida fudud u socota.
51|4|Iyo Malaa’igta amarka qaybisa.
51|5|Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run.
51|6|Abaalmarintuna waa sugantahay.
51|7|Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh.
51|8|Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan.
51|9|Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay.
51|10|Waxaana la nacladay Beenalayaasha.
51|11|Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan.
51|12|waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada).
51|13|Waana maalinta naarta lagu gubi.
51|14|Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen.
51|15|Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo.
51|16|Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala.
51|17|Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda.
51|18|Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen.
51|19|Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan.
51|20|Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.
51|21|Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho).
51|22|Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi.
51|23|Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale.
51|24|Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd.
51|25|Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin.
51|26|Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay).
51|27|Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen.
51|28|Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan,
51|29|Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali).
51|30|waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi
51|31|(Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray.
51|32|Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah.
51|33|Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul).
51|34|Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay.
51|35|Markaasaan ka bixinnay kuwii mu’miniinta ahaa oo ku dhexjiray.
51|36|kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn.
51|37|Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran.
51|38|(Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad.
51|39|Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay.
51|40|Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay.
51|41|Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta.
51|42|Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran.
51|43|Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti.
51|44|Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi.
51|45|Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin.
51|46|(Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah,
51|47|Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay.
51|48|Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe).
51|49|Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan.
51|50|Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).
51|51|Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;.
51|52|Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay.
51|53|Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay.
51|54|Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa).
51|55|Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu’minintee.
51|56|Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin.
51|57|Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan.
51|58|Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane.
51|59|59 Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin.
51|60|Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay.

Pages ( 51 of 114 ): « Previous1 ... 4950 51 5253 ... 114Next »